Xog: Odawaa iyo Gen. Muungaab oo isku dhegan iyo dacwad gaartay XASAN Sheekh + Qabyaalad

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ku fashilmay shaqaale ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo uu dhawaan ka eryay shaqada.

Shaqaalah oo la eryay maalmo ka hor ayaa la sheegayaa in Mungaab uu ku buriyay qaab qabiil kadib markii ay ka biyo diideen awaamir uusiiyay, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in boosaska shaqaalahaasi uu ku qoray shaqaale kale oo uu isaga watay.

Dacwad ay shaqaalahaasi u gudbiyeen Xafiiska Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa, taasi oo iminka dhalisay Khilaaf cusub oo ka dhex dhashay Mungaab iyo Odawaa.

Odawaa ayaa la sheegayaa in Mungaab uu ku amray inuu dib usoo celsho shaqaalahaasi, kadib markii baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in Mungaab uu qaab qaldan u adeegsaday awoodiisa.

Mungaab ayaa la sheegayaa inuu ku adkeysanaayo in shaqaalahaasi aysan dib uga howlgali doonin Xafiisyada Maamulka waxa ayna taasi sara qaaday Khilaafka labada Mas’uul.

Warar hoose ayaa sheegaya in dacwada labada Mas’uul ay u gudubtay Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha uu kulan gaar ah la qaadan doono Mungaab iyo Odawaa, kadib markii Gudoomiyaha Gobolka lagu eedeeyay inuu ku tagri falaayo awooda Qaranka.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonto kulanka labada Mas’uul ay laqaadan doonaan Madaxweynaha, inkastoo Xassan Sheekh uusan la dhacsaneyn hanaanka uu ku shaqeynaayo Mungaab.

Khilaafka ayaa imaanaya xili 21 Bishan warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiya Gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) shaqada looga eryey 61 shaqaale ka shaqeenayey xafiisyada dowlada hoose kuwaas oo Muungaab ku edeeyey waxa uu ugu yeeray xil gudasho la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com