XOG: Xasan Sheikh oo amar yaab leg dul-dhigay qunsuliydaha Imaaraadka & Sacudiga + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqad amar ku taagleyn ah oo ka baxsan xeerarka diblomaasiyadda u diray qunsuliyadaha Soomaaliya ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xubno ka tirsan labada qunsuliyad Caasimada Online u sheegay in uu madaxweynaha ku amray in hadda iyo wixii ka dambeeya ay hoos tagi doonaan safaaradaha Soomaaliya ee labadaas dal.

Madaxweynaha ma uusan sheegin sababta uu u qaatay go’aankan ku cusub nidaamka diblomaasiyadda, waxaana warqadda uu ku qoray kaliya amarkiisa.

Si kastaba, xubno ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay tahay naas-nuujin uu Xasan u sameynayo safiirka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo ay beesha Wacaysle kasoo wada jeedaan iyo Xuseen Cabdi Xalane oo la filayo in dhowaan loo magacaabo safiirka Imaaraadka Carabta.

Tallaabada Xasan Sheekh ayaa ah mid la yaab leh, sababta oo ah waxa ay ka hor imaneysaa qodobada 61-aad iyo 62-aad ee xeerka Geneva ee kala qeexaya howlaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha.

Safaaradaha waxa ay ku shaqo lee yihiin diblomaasiyadda halka howlaha qunsuliyadahana ay yihiin adeegga dad-weynaha, balse waxaa yaab leh in madaxweynaha saga oo shilimaad yar u raadinaya saaxiibadiis uu ka tallaabsado xeerarka caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com