Radio Muqdisho oo la saftay C/kariim GUULEED

Dowladda Soomaaliya oo siyaasiyiinta iyo musharaxiinta u taagan madaxweynenimada maamul goboleedka gobollada dhexe ee Galmudug ay si weyn ugu dhaliileen inay hantida Qaranka ku taageereyso  musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud islamarkaana la,aaminsanyahay in mushaaraadkii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada Qaranka loo weeciyay magaalada Cadaado ayaa waxaa soo ifbaxaya fadeexo hor leh oo ah in Radio Muqdisho ku biiray Campaingka C/kariim Xuseen guuleed.

YAA LEH RADIO MUQDISHO

Radio Muqdisho waxaa la furay 1951kii waa warbaahin u dhaxeysa dhamaan dadka Soomaaliyeed islamarkaana uusan maalgashan qabiil ama urur gaar ah waa hanti Qaranku leeyaay oo dhismihiisa iyo dadka ka shaqeeyaba lagu maalgeliyay canshuurta dadka Soomaaliyeed taasoo ah inaan loo isticmaali Karin dano gaar ah laguna buun buunin Karin shaqsi gaar ah.

Ma hubo inay raali ka yihiin madaxda sare ee wasaaradda warfaafinta hase ahaatee waxaa maalmahan dambe uu Radiomuqdisho iyo websitekiisuba si toos ah u muujiyeen ineysan aheyn warbaahin Qaranku leeyahay hase yeeshee marba sidii la doono loogu shaqeysto iyadoo uu hormuud ka yahay Agaasimaha Radiomuqdisho C/raxiim Ciise Caddow

QAYAANADA QARAN EE LA GALAY

27-MAY 2015 waxaa websiteka Radiomuqdisho lagu daabacay warbixin slogns iyo sharaxaado wadata oo lagu cadeynayo in musharaxiinta gobollada dhexe uu ugu horeeyo C/kariim Xuseen Guuleed islamarkaana waxaa mudo 8 saacadood ah meel gees ah loo saaray U CODEE GUULEED taasoo ah mida fajaca iyo anfariirka ku riday dadka Soomaaliyeed warbixintaasi ma aheyn mid wariye qoray waxaase laga soo geliyay ADMIN uu leeyahay C/raxiim Ciise Cadow sida warbixinta ku cadeyd ee lagu arkay waxaa taasi ay bedeshay suuradii Radiomuqdisho dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen oo isu rogtay jaantaa rogan ama LUGTAANEY MARBA NIN KU QAAD.

28-KII June waxaa agaasimaha Radiomuqdisho C/raxiim Ciise Caddow uu barta Facebook ee Radiomuqdisho iyo tiisaba soo dhigay in Radiomuqdisho taageersanyahay C/kariim Xuseen Guuleed dadka ugu baaqay in la taageero isagoo liiday musharaxiinta kale, su,aalo badan ayaa qof kasta oo dhageysta idaacadda ama booqda websiteka uu isweydiiyaa oo ah Radiyaha mala iibsaday.

Abdirahim Campaing

Waxaa intaa dheer in websiteka iyo idaacadaba si toos ah ay uga baxaan dhaliilo loo jeedinayomusharaxiinta kale ee Soomaaliyeed kuwaasoo la doodsiiyay xuquuqdooda muwaadinimo oo ay ku lahaayeen Radiyaha Qaranka.

MAXAA KU KALIFAY C/RAXIIM CIISE CADDOW ARRIMAHAN?

Agaasimaha Radimuqdisho C/raxiim Ciise Caddow ma ahan nin wariye ah ama ku lug leh mihnada saxaafadda.  Wuxuu ka mid ahaa maxkamadaha Islaamiga taas oo keentay sanadkii 2010 in dad badan maadaama ay dowladu bilow aheyd qof weliba meel lugta lasoo galo si maadaama dowladnimoda lasoo wada galay, waxaase arimahan ku qasbay aqoon la,aanta mihnada ka heysata iyo la xisaabtan la,aanta wasiirka warfaafinta, wasiir dowlaha, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha Guud hase ahaatee tani ayaa ah dhacdo ma ahdho ah oo taariikhda baal madow ka gelisay sooyaalka Radio Muqdisho.

Mecheal Donnil oo ah wariye u shaqeeya wakaaladda wararka China ayaa mar uu soo booqday keydka Radiomuqdisho waxa uu ku sheegay inay tahay maalintii ugu naxdinta badneyd noloshiisa kadib markii uu Radiyaha ku dhex arkay C/raxiim Ciise Caddo woo uu horay u daawaday Video laga soo duubaay sanadkii 2007 kaasoo ku saabsanaa dagaal ka dhacay deegaanka Owdiinle oo C/raxiim kusoo bandhigayo meydadka 39 askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo uu dul taaganyahay islamarkaana ku tilmaamayo inay ahaayeen Gaalo ilaah subxaana watacaalaa u fududeeyay.

Musharaxiin badan oo ka mid ah kuwa u taagan xilka madaxtinimo ee gobollada dhexe ayaa caabsho rasmi ah u gudbiyay barlamaanka Soomaaliya taasoo ay kaga astakoonayaan dhacdadan mahadhada ah ee ka bilaabatay warbaahinta Qaranka iyagoo sheegay in dhinaca kale ay xer ilaalinta iyo Hay,adaha cadaaladana u gudbin doonaan dacwo ku saabsan arinkan.

FIIRO GAAR AH

Waxaa xusid mudan in rug cadaayaal dhanka saxaafadda ah iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo si hufan u maamuli kara Radiomuqdisho iy dalka ku suganyihiin kuwaasoo kusoo celin kara heykalkii heer Qaran hase ahaatee kuwaasi ayaa ah kuwo dusha ka eegaya waxa ay sameeyaan madaxda dowladda iyo wasaaardda warfaafintaba inkastoo ay jiraan mas,uuliyiin badan oo garwaaqsan arinkan.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Samatar

Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid