XASAN Sheekh oo dhuumasho ku tagay xarunta BF SOOMAALIYA, xilli mooshin laga diyaarinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta dhuumasho ku tagay dhismaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku shirayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa iminka qudbad ka jeedinaya baarlamaanka dhexdiisa, waxaana xildhibaanada ay la yaabeen waxyaabaha keenaya in madaxweynaha uu tago baarlamaanka iyadoo aan lagu wargelin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka aya Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha dalka uu ka hadlay arimaha maaliyada iyo lacag la’aanta ka jirto dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in taasi ay horseed u tahay Nidaamka Fedaraalka.

Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 139 Mudane ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Arinta ugu badan ee maanta uu sida gaadmada ugu tagay baarlamaanka ayaa lagu sheegayaa iney tahay xod xodashada xubnaha baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com