Farmaajo oo ka hadlay arrin xasaasi ah oo ay DF Soomaaliya ka caga jiideyso, kuna baaqay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia oo wareysi siinaayay Idaacada KNN ee Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira Dastuurka Somalia.

Farmaajo ayaa sheegay in DF Somalia ay la daala dhaceyso bixinta juhdi farabadan oo suuragalin kara hanashada amni iyo kala dambeyn, balse ay weli muuqato dhaliilo farabadan.

Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan qaladaad farabadan oo ku jira Dastuurka KMG ah ee Somalia loona baahan yahay in waxbadan laga bedelo qodobadaasi.

Waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dib loo aasaaso Maxkamadii Dastuuriga aheyd, waxa uuna sheegay in dhismaheedu uu waxbadan ka bedeli doono hanaqaadka Somalia, maadaama uu yiri qaladaadka ugu badan uu ka yimaado Dastuurka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa cadeeyay in dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Somalia ay sabab u tahay Dastuurka KMG oo aan laheyn sal rasmi ah.

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili DF Somalia lagu eedeynaayo ka gaabinta Dastuurka KMG, waxa ayna inta badan Siyaasiyiinta ku doodaan in Dowladu aysan raali ka aheyn inay wax ka qabato qodobada shacabka iska horkeenaayo ee ku jira Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com