Kenya oo sheegtay in DF ay ka laabatay dacwadii badda SOMALIA iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed ayaa sheegtay in Dowlada Somalia ay raali ka noqotay in si hoose xal looga gaaro Muranka ka taagan Badda Somalia islamarkaana ay ka laabato go’aanka dacwada.

Aamina ayaa sheegtay in dacwada Murankaasi ay taalo Maxkamada Caalamiga balse Madaxda DF Somalia ay isla garteen inay si hoose u xaliyaan islamarkaana laga gudbo dacwadaasi Maxkamada taala.

Amina Mohamed oo la hadashay Mudanayaasha Barlamaanka Kenya ayaa sheegtay inay rajeynayso inay labada dowladooda ka heshiiyaan dacwadaasi muddada dheer soo jiitamaysay, waxa ayna carabka ku dhufatay in Somalia ay diyaar u tahay wada-xaajoodka Xuduud-badeedka.

Nuqul kamid ah hadalka Aamina ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan Dowladda Federalka Somalia ka helnay ballanqaad ku aadan inay ka laabtaan kiiskii ay ku buuxiyeen maxkamadda Hague ee naga dhanka ah”

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta arrinta badda ka hadlay mar uu hortagay baarlamanka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay difaacdo badda.

“Mar walba waxaan dhiirigelineynaa inaan nabad, xasilooni iyo saaxibtinimo kula noolaano dalalka aan deriska nahay. Way jiraan arrimo inagala dhexeeya deriska qaarkood, sida arrinta xudduudaha badda. Waxaan idin caddeynayaa in dowladdu ay difaaceyso go’aamadeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dhuleed iyo qaranimo ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya’’ ayuu yiri Xasan.

Si kastaba, madaxweynaha si toos ah ugama hadlin haddii ay ka laabteen dacwadda iyo in kale.

Marka la eego waxyaabaha socda ayaa waxaa muuqanaya in dowladda Soomaaliya aysan daacad ka ahyn difaaca badda Soomaaliya. Halkan ka aqri xogx asaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com