AFRICA ENERGY oo ka baxday heshiiskii shidaal sahmin ee Puntland + Saameynta DF Soomaaliya

Vancouver (Caasimada Online) – War-saxafdeed kasoo baxey xafiiska Africa Energy Corp. (AFE) (“Africa Energy” oo markii hore loo aqooni jirey Horn Petroleum Corp ayaa lagu sheegay, in shirkaddaasi qoraal ay u gudbisay Dowlada Puntland kaga baxdey  heshiiskii wada-qaybsiga wax-soosaarka shidaalka (PSAs) ee qorshihiisa ahaa in laga soo saaro dooxada Nugaal ee gobolka Nugaal iyo dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

War-saxafadeedka ayaa lagu sheegey in heshiiskaas oo labada dhinac kala saxiixdeen 2007, Horn Petroleum Corp iyo shirkada la yiraahdo Range resources loo joojiyey si rasmi ah iyada oo la ogeysiiyey Dowlada Puntland.

dooxooyinQoraalkaa ayaa lagu xusay in sababta shirkadahaasi uga baxeen heshiiska ay tahay xiriirka sii xuumanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, halka sidoo kale cabsi laga qabo in colaad dhexmarto maamullada Somaliland iyo Puntland, sababo la xiriira muran dhuleed.

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa horey u sheegtay inaysan waxba ka jirin heshiisyadii ay maamul goboleedyada la galeen shirkadaha, islamarkaana shirkadaha raba inay shidaal ka sahmiyaan dalka ay soo maraan dowladda dhexe ee Muqdisho.

Go’aankan cusub ayaa dhabar jab ku ah dowladda Puntland oo muddo iska dhaadhicineysay inay ka dul tallaabsan karto dowladda dhexe ee Muqdisho, balse hadda ay u caddahay inay muhiim tahay inay la shaqeyso dowladda dhexe.

Dhinaca kale qoraal shirkda Range Resources ay soo saartey ayey ku sheegeytey in nasiib daro tahay in heshiiskaan ka baxaan, madaama xaalada siyaasada oo aan fiicneyn ka jiraan Somalia gaar ahaan maamulka Puntland, oo ammaan darro iyo dhaqaale xumi la tiicaya. Halkan akhri warsaxafdeedka 

Shirkadda Africa Enegry Corb oo horey loo oran jirey Africa Oil ayaa riiggii ugu horeeyey ee lagu baarayo  ka taagtey Puntland “Dooxada Dharoor” bishii January sanadkii 2012.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com