28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xasan Sheikh iyo Goodax oo uu dagaal siyaasadeed qaraar ka dhex billowday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-haya wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Bare ayaa weji gabax weyn kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay isku maandhaafeen jagada wasiirnimo beesha Xawaadle ka heleyso Golaha wasiirada cusub iyo cidda lagu qorayo.

Madaxweynaha ayaa horeba jagadaasi ugu qortay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo muddooyiniii danbe si weyn ugu dhowaa madaxwyenaha iyo kooxdiisa, taasoo ay ka horjeesteen dhammaan xildhibaanada Xawaadle.

Kulan dhex maray madaxweynaha iyo C/llaahi Goodax Barre  ayaa ku dhamaaday weji gabax iyo ereyo qaraar oo la is weydaarsaday.

Xasan Sheekh iyo Goodax: Saaxiibo kala irdhoobay

Xasan Sheekh iyo Goodax: Saaxiibo kala irdhoobay

Inkastoo wasiir Goodax ka mid ahaa wasiiradii ka qeyb qaatay ridista xukuumadii uu ka midka, waxaa nasiib darrada qabsatay loo aaneynayaa in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay iska dhex arkeen Sanbaloolshe, sidaasina rajadii Goodax ku soo afjarantay.

Xildhibaanada Beesha uu ka soo jeedo Goodax ayaa shirar xasaasi ah uga socdaan Muqdisho iyagoo si weyn u diidan in wasiir looga dhigo Sanbaloolshe waxaana la filayaa inay ku biiraan Isbaheysiga xildhibaanada ee ka soo horjeeda madaxweynaha ama kulamo kale ugu laabtaan madaxweynaha oo weji xumo aan hore loo arag ay dhex martay C/laahi Goodax Barre.

Xigasho: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News