XOG: XASAN oo cunaqabateynta Xisbiyada ka faa’ideysanaya..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka faa’ideysanaya joojintii hoteelada Muqdisho laga joojiyay in xisbiyada kale shirar ay ku qabsadaan kuwaasi oo lagu taageerayo xisbiyada kala duwan.

Shir lagu taageerayo musharaxnimada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo muddo Afar sano ah soo hayay xilka madaxtinimada ayaa maanta ka dhacaya Hotelka City Palaze ee magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo ay iskugu imaanayaan odayaasha dhaqanka ee ku heybta ah madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid lagu taageerayo musharaxnimada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Odayaasha dhaqanka ee ku heybta ah Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka faa’ideysanaya dhaqaalaha badan ee la sheegay inuu hayo Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna doonayaan in markale uu kusoo laabto talada dalka.

Dhawaan ayaa wasaarada amniga waxay digniin usoo jeedisay hoteelada magaalada Muqdisho, waxaana looga digay in xisbiyada kale ololahooda ku qabsadaan, waxaana taasi hadda ka faa’ideysanaya Xasan Sheikh oo maanta City Palaze lagu taageerayo.

Musharaxiinta iyo xisbiyadda siyaasadda ayaa dacwad ka dhan ah wasaaradda Amniga gudbiyay Maxkamadda Sare iyagoo  ka horjeeda in laga joojiyo shirarkii ay yeelan lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com