Taliye cusub oo loo magaacabay waaxda socdaalka & Jinsiyadaha

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabadsugidda Gobalka Banaadir , G/le Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi” ayaa loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Somalia.

Xilkaasi waxaa horey u hayey Jeneral C/llaahi Gaafow oo isaga dhawaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Somalia (NISA).

Magacaabista G/le Koofi ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Waaxda Socdaalka lahayn Hoggaan Sare oo laga amar qaato, iyadoo Waaxdaasi mas’uul ka tahay dhamaan Adeegyadda Baasabooradda iyo Kontoroolka Socdaalka dadka Shisheeyaha ee ku soo qulqulayo Somalia.

Dhinaca kale, G/le Koofi ayaa xilligii uu Taliyaha ka ahaa Nabadsugidda Gobalka Banaadir waxaa lagu eedeeyey gaboodfalo badan oo loo geystay Maxaabiis ku xirnayd Xabsiga Godka Jilicow ee magaalladda Muqdisho.
Koofi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com