Xog: Wada-hadallo u bilowday Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Onlie)-Sida laga soo xigtay Saraakiil ka howlgasha Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa dib usoo laabtay xiriirkii ka dhexeeyay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo kan maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dib usoo nooleynta xiriirka labada mas’uul ayaa waxa uu imaaday kadib markii xubno labada mas’uul ku dhow dhow ay u istaagen inay isku soo dhaweeyaan labada mas’uul bacdamaa la joogo xiliga ololaha doorashada.

Labada mas’uul ayaa durbadiiba u gudagalay inay kawada xaajoodan arrimaha doorashada iyo sida Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku heli lahaa codadka Xildhibaanada ka imaanaya dhanka maamulka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Xassan oo ka faa’iideysanaaya wakhtiga kooban ee doorashada uga harsan ayaa waxa uu Shariif Xassan la furay wada hadal suuragalinkara in mar kale kusoo laabto kursiga.

Wada hadalka labada mas’uul ayaa waxaa kamid ah sida ay xogtu sheegeyso in shariif Xassan uu heli doono xilal dhowr ah, waxaana ballanqaadkaasi barbar socda dhaqaale gaar ah oo uu muteysan doono Shariif Xassan ka hor inta aysan doorashadu dhicin.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in labada mas’uul ay si hordhac ah isugu fahmeen ballanqaadyada, balse kala aragti duwaan ay ka jirto cadadka dhaqaalaha lasiin doono shariif Xassan ka hor inta aanu doorashada dhicin.

Shariif Xassan ahmiyad gaar ah uma arko kuraasta uu Xassan Sheekh u ballanqaaday haddii uu mar kale soo laabto, bacdamaa aan la ogaankarin waxa uu nasiibka u yeelan doono Xassan Sheekh.

Shariif Xassan ayaa xooga saaraya inuu helo dhaqaalaha ay ku balameen Xassan si haddii uu ku fashilmo doorashada aysan dib isugu soo laaban.

Xassan Sheekh qudhiisa ayaa aad uga cabsi qaba in Shariif Xassan uu uga baxo ballanka, waxa ayna taasi soo dadajisay in Xassan uu ku dhiirado in qeyb kamid ah dhaqaalahaasi uu hormariyo si qeybta kale uu uga xanibo Shariif Xassan, haddii ay dhacdo in laga guuleysto.

Wada hadalka labada mas’uul ayaa waxaa la sheegay in caqabad ay ku tahay is afgaranwaaga dhaqaalaha ka taagan, waxaana suuragal ah in Shariif Xassan lagu qanciyo inuu sii qaato kala bar lacagta.

Lama oga waxa uu noqon doono miraha wada hadalka socda, waxaase muuqaneysa in labada mas’uul midba midka kale uu gaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com