Xasan oo ciidamo hubeysan u diyaarsaday dowladda cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu qorsheynaayo in qaab khaldan uu u adeegsado ciidamada Qaranka.

Ciidamada uu Madaxweynaha u isticmaalaayo qaabka khaldan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa loo yaqaan kumaandooska ee dhawaan ay tababarada siiyeen Saraakiisha reer galbeedka ka jooga Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu dajiyay qorsho ah in ciidamadaasi uu adeegsado xiliga doorashada, waxa uuna qorshihiisu yahay in goortii looga itaal roonaado doorashada uu isticmaalo.

Ciidamadaani ayuu ku kabay ciidamo kale oo iyaguna dhawaan ay tababar siiyen Saraakiisha EU-da ka joogta Somalia, waxa uuna u adeegsan doonaa carqaladeynta amniga doorashada kadib, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada.

Tirro ahaan ciidamada uu diyaariyay ayaa waxaa lagu sheegay ilaa 500 kuwaasi oo si gaar ah uga howlgali doona Xarunta Madaxtooyada si aysan xarunta uga bixin gacanta Xassan Sheekh.

Qorshahaani ayaa waxaa la sheegay in si hordhac ah ay uga warheleen Saraakiisha dowlada Mareykanka ka joogta Somalia, kuwaasi oo wax ka weydiiyay Xassan Sheekh kulankii ay 21.7.2016 kuwada qaaten degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Geesta kale, arrintaani ayaa imaaneysa, xili Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu lumiyay kalsoonidii uu ka qabay doorashada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com