Xasan Sheekh oo la filayo in uu Muqdisho ka duulo kana dego…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u tago magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalada lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka magaalada xaqiijinaya.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya la filayo inuu magaaladaasi tago, waxaana magaalada taala gogosha maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka arimaha gudaha, wasiirka amniga qaranka iyo xubno kale oo dowlada ayaa la filayaa iney wafdiga qeyb ka noqdaan, waxaana ujeedada ay tahay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha maamulka labada gobol.

Magaalada Jowhar waxaa ka socday maalmahaan kulamo kala duwan oo looga hadlayay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com