Xasan Sheikh oo ku eedeeyay madaxda dowladda in si ula kac ah ay uga dambeeyeen xayiraadii maanta baaqna u diray shacabka

Muqdisho-(Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo qeyb ka ahaa wafdi uu hoggaaminayay Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay xayiraad loo geystay iyo waxa ay ku soo arkeen garoonka Beledweyne.

Xasan Sheikh ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay in si ula kac ah garoonka Aadan Cadde ay xayiraad ugu geysteen, iyagoo sida uu sheegay isku dayaya in ay baajiyaan safarkoodii magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wafdigaan oo mar ku sigtay in uu ku soo laabto Muqdisho iyagoo aan gaarin Beledweyne, waxa uuna sheegay madaxweyne Xasan Sheikh in aysan jirin wax khatar ah oo maanta ka jiray garoonka Beledweyne, taas oo u diidi kartay in diyaaradii siday ay ka degto garoonka Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in amar ka soo baxay madaxda dowladda dhexe ay ku dhibaateyeen Garoonka diyaaraddaha Muqdisho, sidoo kalena ay marmarsiyo ka dhigteen in garoonka Beledweyne ay biyo fadhiyaan.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in markii ay ka degeen garoonka magaalada Beledweyne aysan ku arkin wax biyo ah oo ku jira Garoonka, taas bedelkeedna lagu booreysa karay sida uu sheegay madaxdweyne Xasan Sheikh.

“Garoonka Diyaaraha Beleddweyne meel yar oo biyo uga jiraan iska dhaafe boorka kacaya aaba xisaab laheyn markey diyaarad ka ceyso, edeb darro, dulmi, been iyo taswiir oo waxba ka jirin ayey aheyd garoonka biyo fadhiyaan, mas’uuliyintii ugu sareysay dalka aa waxaas ku mashquulsan goormey adunyo qabsanee oo wadanka wax u qabanee” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud aya shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si ay uga guuleystaan weerarka iyo caburinta ay madaxda dowladda federaalku ku heyso qof kasta.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com