26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Xasan wuxuu haystaa fursad uu cashar ugu dhigi karo Shariifka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xildhibaanada ugu badan baarlamanka Soomaaliya waxaa lagu soo doortay Baydhaba, sidaa darteedna Shariif Xasan wuxuu leeyahay saameyn siyaasadeed xooggan, maadaama xildhibaano badan oo isaga raacsan ay ku jiraan baarlamanka.

Shariifka ayaa iska diiday fursad uu Xasan Sheekh horey ugu soo bandhigay oo ahayd inuu isbaheysi la sameysto, si xildhibaanada taageersan isaga uu Xasan ugu soo wareejiyo, taa beddelkeedna uu u helo xilal badan oo ay ku jiraan guddoomiyaha baarlamanka iyo dhowr wasiir.

Fursaddaas waa uu iska diiday Shariif, isaga oo soo sharxay Cabdirashiid Xidig oo beesha Ogaadeen u dhashay, si loogu doorto guddoomiyaha baarlamanka, taa beddelkeedna beesha Daarood u weyso labada xil ee dalka ugu sarreeya.

Hadda oo qorshahaas uu fashilmay, Shariifka wuxuu doonayaa inuu galo isbaheysi la mid ah kii uu horey uga diiday Xasan Sheekh. In kasta oo musharaxiin badan uu wada-hadal kula jiro, haddana musharaxa uu doorbidayo ayaa lagu sheegay madaxweynaha, maadaama uu ugu xildhibaano taageero badan yahay.

Hase yeeshee, Xasan Sheekh waa inuu baraa Shariifka in markii loo baahna uu diiday, hadda oo uu isaga wax u baahan yahayna, uu madaxweyne Xasan Sheekh yahay ninka qoraya heshiiska labad nin.

Madaxweynaha, waa inuu u ballan qaadaa Shariifka wixii uu doono, islamarkaana ka qaataa wixii taageero ah ee kuu heli karo.

Haddii Xasan Sheekh uu ku guuleysto xilka mdaxaweynaha, waa inuu Shariifka uga baxaa heshiiska, islamarkaana tusaa in markii isbaheysigiisu qiimo lahaa uu door biday siyaassad aan miro dhal ahayn.

Madaxweynaha haddii mar la doorto, kama cabsanayo in Shariif Xasan uu dhibaato kala kulmo. Waa tan koowaadee, Shariifka ma ahan guddoomiyaha baarlamanka, oo gadaal kama riixi karo wax mooshin ah. Waa tan labaadee, Xasan rajo kama lahan isbaheysi kale oo uu Shariifka la galo, maadaamo aysan dhici doonin inuu mar saddexaad tartamo, ama ugu yaraan galo doorasho ay xildhibaano codeynayaan.

Xasan Sheekh wuxuu haystaa fursad uu cashar siyaasaadeed ugu dhigi karo Shariifka.

W/Q: Cabdullahi Maxamed Gacal

Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News