Faarax Macallin: Xasan Sh. iyo Faarax C/qaadir waxa ay hoos fadhiyaan Jilbaha Generaal Gebre

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Ethiopia ay faragalin Siyaasadeed ku heyso Somalia, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Faarax Macalin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Faarax Macalin ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Somalia ay raali ku tahay inay hoostagto Dowlada Ethiopia oo uu sheegay inay gumeysato Somalia oo idil.

Faarax Macalin waxa uu tilmaamay in Ethiopia ay halis ugu jirto in Madaxweyne ay ka noqoto Somalia, taasi oo uu ku micneeyay heerka uu iminka gaarsiisan yahay awooda Ethiopia ay ku dhex leedahay Somalia.

Faarax Macalin waxa uu sheegay in Ethiopia oo idil ay qaska iyo arbushaada Somalia usoo wakiilatay Generaal Gebra oo uu sheegay inuu yahay shaqsi daciif ka ah dalka Ethiopia balse miisaan ku leh dhanka madaxda Soomaalida min Dowlada ilaa Gobolada dalka.

Madaxda Qaranka Somalia ayuu sheegay inaysan fulinkarin amar uusan bixin Generaal Gebra, waxa uuna taasi ku sheegay inay qeyb ka tahay damiir xumida Madaxda Somalia.

Madaxda ugu sareyso dalka iyo xubnaha maamul goboleedyada ayuu sheegay ineysan ka daba hadli karin Generaalka sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Rag ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdiqaadir ayaa dalka Somalia u gacan galshay Ethiopia, waan la socnaa in Generaal Gebra ay ka amarqaatan waayo waxa ay iska dhaadhiciyeen in Ethiopia ay ka quwad badan tahay Somalia waa ii nasiib darro in Gebra oo kaliya uu Somalia gumeysi galiyo”

”Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir iyo shaqsiyaad badan oo aan ogahay waxa ay hoos fadhiistaan jilbaha Generaal Gebra, anigu waxaan ahay Somali, dhab ah, waxaan ahayn Somalia Kenya “Jiridiis lahaye Jidinka Kama Qoslo”Ayuu yiri Faarax Macalin Dawaare.

Dhanka kale, Faarax Macalin ayaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska qabtaan waxa uu ugu yeeray cadaawaha oo uu ula jeedo Generaal Gebra iyo Madaxda Qaranka ee hoos fadhiisata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com