Odayaal la shiray C/WELI oo xabsiga la dhigay iyo arrimo cusub oo billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal la kulmay ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa waxaa xalay jeelka dhigay ciidamada nabadsugida qaranka Soomaaliya.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in odayaasha xiliga la qabqabanaayay ay ku sugnaayeen meel aan sidaa uga fogeyn xafiiska ra’isul wasaaraha dalka Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ay markaas kasoo baxeen kadib kullan ay la qaateen.

Odayaasha ayaa la sheegay inuu ra’iisul wasaare Cabdi Weli u wacay, isaga oo taageero u raadinaya is marin waaga kala dhaxeeya madaxweynaha.

Waxaa iminka odayaasha loo dhaadhiciyay dhanka xarunta nabad suggida ay ku lee dahay Villa Somalia, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareed goobjoog ka ahaa dhacdada lagu xiray odayaasha.

Odayaasha jeelka la dhigay ayaa la tilmaamayaa inay casho la lahaayeen ra’isul wasaaraha, hayeeshee arrintaasi ay xarig ku muteysteen.

Warar hoose ayaa sheegaya in amarka lagu xiray odayaasha uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh, inkasta oo aan taas la xaqiijin karin.

Dhanka kale, ciidamada nabad suggida, ayaa waxay godka jilacow ku xireen milkiilaha Hotel Maka Al-Mukarama Gurey Xaaji Xasan, waxaana la sheegay in lagu heysto, isagoo si dhow ula shaqeeya ra’iisal wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Waxaa goor sii horreysay oo maanta ah hotelkaas ku kumay xildhibaano taageersan madaxweynaha.

Arrintaani ayaa ah mid ku cusub waayahaani danbe siyaasada Somalia, waxa ayna ka turjumeysaa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com