Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo u gafay sumcada garsoorayaasha DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlaayay qaabka ay u Shaqeeyaan Xafiisyada Garsoorka Qaranka, ayaa waxa uu sheegay in madaxda dalka ay Dillootay sharci daro.

Waraxa uu sheegay in Madaxdii loo baahnaa inay hagaan dalka ay iyagu ku mashquulsan yihiin sharci darro iyo howlo aan qaarkood loo igman.

Waxa uu Tilmaamay in garsoorka ay ka buuxaan shaqsiyaad aan aqoon bartood u laheyn shuruucda garsoorka uu qabo, islamarkaana fuliya xukuno aysan Aqoon u laheyn, wuxuuna kuwaasi ku sheegay inay kusoo shaqo galeen wadooyin qabiil amaba Mas’uul ka tirsan dowlada uu booska keenay.

Arrintaani ayaa waxa uu sheegay xili uu u waramaayay warbaahinta maxaliga wuxuuna sheegay in uusan Aqoonsi siin karin Garsoorayaasha siyaabaha qaar kusoo Galay Garsoorka Dalka, kuwaa oo ay ka mid yihiin kuwo aan ku Imaan Digreeto Madaxweyne iyo kuwo ku imaaday oo aan laheyn aqoon ku filan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegaya in aysan Xukunada kala ah, Dil, Maal la wareejiyo iyo sidoo Kale Xukuno Xabsi dheer ah ay Tahay dembi hadii ay Fuliyaan dad aan ahayn Garsooreyaal Sharci yaqaano ah uu sababi karo musiibo Qaran, maadaama ay dhalaneyso kalsooni dari laga qabo garsoorka dalka.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Qabiil iyo qaabab kale ayaa lagu soo Xulaa, Nin Jecleysi iyo waxyaabaha kale ee jira ayaan suura gal ka dhigeyn in lagu Gaaro Sharci, Dalkaan waxaa uu Mudnaa in uu Helo xaqii ay lahaayeen”

Dhanka kale, Axmed Cali Daahir ayaa cadeeyay inuusan aqoonsan doonin mas’uul waliba oo ka tirsan Hay’adaha garsoorka oo aan laheyn aqoonta saxda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com