Cabdi Weli oo laga yaabo inuu iscasilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka C/Weli Sheekh Axmed laga yaabo inuu xilka ka dego, haddii xal loo waayo khilaafka isaga iyo Xasan Sheekh.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha hadda ay la hadlayaan wakiilada beesha caalamka, waxaana suuragal ah in uu si lama filaan ah u shaaciyo inuu ka degay xilka uu ka haayo Dowlada kadib markii uu heer caalami gaaray Khilaafka kala shexeeya Madaxweyne Xasan.

Khilaafka oo gaaray beesha caalamka, ayaa waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in Cabdi Weli lagu dhaleeceeyey inuu jah-wareer iyo qas cusub abuuray, xilli uu madaxweynaha la tashan karay, sida ay ilo-waredyo u sheegeen Caasimada Online.

Waxaa jira cadaadis ku saabsan inuu mar kale wasiirada dib isugu shaandheeyo, soona celiyo xubnaha la jaalka ah madaxweynaha, si khilaafka looga gudbo.

Cabdi Weli oo markii hore rumeysnaa in beesha caalamka isaga taageersan tahay, haddana waxaa lagu war-geliyey in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu keeni karo in labadooda uu mid baxo, ayna isaga u dhowdahay sababo jiro awgood.

Ra’iisul wasaaraha waxaa loo sheegay in caalamka iminka uusan diyaar u ahayn doorasho madaxnimo oo cusub oo Soomaalia ka dhacda, taasi waqti u baahan, hoosna u dhigi karta horumarka ay dowladda sameeneyso. Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in Cabdi Weli lagu war-geliyey in madaxweynaha uu deegaan ahaan kasoo jeedo Muqdisho, islamarkaana xil ka qaadistiisa ay caqabado waa weyn dhalin karaan.

Ayada oo la eegayo arrimahaas, ayaa Cabdi Weli lagu war-geliyey in haddii qof baxayo uu asaga fudud yahay, balse ay ka haboon tahay inuu xal kale la yimaado, uuna shaqada dowladda sii wado.

Xubno ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu hadda yaaban yahay uuna garan yahay tallaabo uu ku dhaqaaqo.

Xalinta Khilaafka ayaa waxaa xiligaani ku jira Diblomaasiyiin ka kala tirsan Dowladaha deeqaha bixiya ee xiriirka dhow la leh DFS, oo iyagu xarumo siyaasadeed ku dhex leh Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa Muujineysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu sidoo kale Cadaadisyo kala Kulamay Ururka IGAD iyo Dowladda Ethiopia, kaasoo ku Aadan in uu Xafiiskiisa ka tago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com