JAWAARI oo khilaaf ka dhex abuuray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in leysku maan dhaafay Shirka Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ismaan dhaaf ka uu soo kala dhex galay Odayaasha wada dhismaha Maamulka Seddexda Gobol iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo halkaasi ku sugan.

Khilaafka ayaa waxa uu imaaday kadib markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo Jeediyay in Xildhibaanada ay soo doortaan Hogaanka Maamulka ka Kooban Sedax Gobol, oo ay yeeshaan Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose, iyadoona ay soo jeedintaasi ay dhaliileen Odayaasha.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay qabaan in Maamulka Halkaas ka Talin doona ay iyagu soo Dhisaan.

Sidoo kale, waxaa laga cabsi qabaa in Khilaafka Arrintaas ka dhashay uu horseedo in Xubno ka tirsan Guddiga hadda Jooga Shirka ay ku Biiraan Maamulka kale ee kasoo Horjeeda ee Madoobe Nuunow uu Wado.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka digay in Odayaasha ay ka shaqeeyaan Khilaaf ama colaad laga dhex abuuro Hoolka uu shirka ka socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com