Xasan Sheekh oo dhaqaalaha ka jaray Muungaab, xilli is-bedel uu soo socdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xubno ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu jaray gabi ahaan dhaqaalihii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka qaadan jiray Bankiga.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lagu hakiyay lacagtii uu qaadan jiray Xasan Maxamed Xuseen ”Mungaab” iyadoona Wasiirka maaliyada iyo madaxa guud ee Bankiga DF Somalia la tuhmayo inay arrintan ku lug lee yihiin.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Guddoomiye Muungaab, oo dhowaanahay uu xiriirkooda aad xumaa.

Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuu Muungaab ku beddeli doono nin kasoo jeeda beesha Daa’uud, oo ay qaraabo dhow yihiin xaaskiisa, oo iyana beeshaas ka dhalatay.

Xasan Sheekh, ceeb uma arko inuu ehelkiisa xilal ku taxo sida horey u dhacday, isaga xilal siiyey rag ay qaraabo yihiin, nin abti ugu aadan iyo wiil qaba gabar ay dhashay walaashiis.

Muungaab ayaa dhowaan si dhiiranaan leh u shaaciyey xad gudubka ay wasaaradda maaliyadda ku hayso dhaqaalaha shacabka Muqdisho, taasi oo Xasan Sheekh ka carreysiiyey.

Xasan Sheekh, waxa uu wax walba dhaafsanayaa xilka uu hayo, isaga oo si caddaaladda ka baxsan ugu tuntay xuquuqda dadka dega koonfurta Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com