Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir oo hal GURI laga maamulo (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Degmada Waabari ee Gobolka banaadir, ayaa sheegaya in awaamirta degmadaasi laga soo saaro hal guri.

Degmada waabari oo ka mid ah degmooyinka ugu amaanka badan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xiligaani gacanta ku hayo hal qoys, kuwaasi oo xilalka ugu muhiimsan degmada isku taxay.

Gudoomiyaha degmada Axmed Muumin iyo marwadiisa oo ah gudoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha bulshada oo dhawaan ku aqal galay Muqdisho, ayaa iminka la wareegay gabi ahaan maamulka degmada, halka gudoomiyayaasha dhanka Ammaanka, Siyaasada ay ka walaacsan yihiin halka qoys ee ka ariminaaya degmada.

Mid kamid ah gudoomiye ku-xigeenada ayaa waxa uu yiri “Waan filaayay in degmada looga arimiyo hal guri, waayo taasi waxa ay meesha ka saareysaa in la dhageysto fikrada mas’uuliyiinta kale, sidaa darteen anigu maqabo in Siyaasada degmada la hoos geeyo hal qoys”

Waxa uu intaa raaciyay “xilka ay ku magacaaban tahay marwada gudoomiyaha waxaa laga qaaday gabar kale, waxaa loo dhiibay gabadhaani inta aan la guursan, kadib waxaa xigay guur, taasi waxa ay muujineysaa in gudoomiye waliba uu qofka uu doono xilka ka qaadi karo una dhiiban karo marwadiisa”‘

Arrintaani ku saleysan in Degmada looga arimiyo hal guri, ayaa waxa ay noqoneysaa mid ku cusub Siyaasada dalka.

Waxaa jira khilaaf ka dhex taagan Maamulka degmada oo ka dhashay siyaasada cusub ee keentay in hal guri looga arrimiyo degmada, waxaana la sheegayaa in Odayaal dacwo ah ay arrintaasi u gudbiyeen Madaxweyne Xassan iyo xafiiska wasiirka arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com