Dhageyso: Sh. Shariif oo muddo kadib ka hadlay siyaasada iyo xaalada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in marwaliba uu diyaar la yahay tallooyinkii uu balan qaaday.

Shariif Sheekh Axmed oo hada ku sugan Magaalada London ee dalka Uk, ayaa Wareysi uu siiyay TV-ga Royal, wuxuu sheegay in dowladda hada jirta loo bahan yahay in lasiiyo fursad wanaagsan oo isbedel ay ku keeni karto.

Waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in inta badan uusan la socon siyaasadaha dalka Soomaaliya, balse uu rajeynaayo madaxda dalka Soomaaliya inay sameeyaan isbedel wanaagsan.

Hogaamiyihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu tilmaamay in inta badan uusan waxba kala socon siyaasadaha “Ma Dhageysto Idaacadaha website ma aqristo jaraa’idna ma aqristo marka laga reebo inaan dad ka maqlo sheekooyinka siyaasada jira”Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedada London uu u tagay ayuu ku sheegay inay tahay in Jaamacada OXFORD ee dalka Uk oo muddo 6-bilood ah waxbarasho ka dhigan doono.

Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu ka baxay Siyaasada dalka Soomaaliya wuxuu uweecday dhanka waxbarashada, isaga oo markii uu degay dalka Uganda waxbarasho bilaabay.

Halkan ka dhageyso madaxweyne Shariif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com