28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xassan Sheekh oo arrin uusan fileynin goor dhow kala kulmay Xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guul dareestay in uu hal fadhi isugu keeno Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiriir uu Xasan Sheekh la sameeyay Xildhibaanada mucaaradka kuwooda ugu tunka weyn, balse nasiib daro uu kala kulmay diidmo qeexan kadib markii uu ka dalbaday inay isla meeldhigaan go’aan u ogolaanaayo in la dhaqan galiyo Xukuumada cusub.

Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay dansadeen taleefonada, halka qaarna ay ka cudurdaarteen inay hor fadhiistaan Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay fariin qoraal ah u gudbiyeen Xafiiska Madaxweynaha, iyagoona fariintaasi ku sheegay inaysan qaadan doonin wax wada hadal ah oo ay la galaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu aad uga walaacsan yahay taxadarka uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ka muujinaayo in qaar kamid ah Xubnaha la diiday dib ugu soo daro Xukuumada cusub, waxaana la sheegayaa inay ku xuntahay xaalada xili Xildhibaanada BF ay galabta u balansan yihiin kulan ay ku muujinayaan cududooda.

Arrintaani ayaa timid kadib markii Madaxweynaha uu gudi hoosaad u xil saaray uruurinta Xildhibaanada Mucaaradka si uu ugala hadlo arrinta dhabta ah ee ku xeendaaban Magacaabista Wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News