Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amar adag oo ka dhan maamulka Puntland oo ay wada maamulaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana amarkaasi uu ku wajahan yahay darawalada kaxeeya gaadiidka noocyadiisa kala duwan
Dadka gaadiidleyda aya la siiyay digniin ku aadan inaysan imaan Karin dhanka maamulka Galmudug iyagoo wata gaadiid ay ku xeran yihiin taarikada gaarka u ah maamulka Puntland, sida Galmudug ay maanta ku dhawaaqday.
Maxamuud Maxamed Cabdula, taliyaha taraafikada maamulka Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay amarkaasi kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan inan la adeegsan Karin taarikada maamulka Puntland.
“ baabuurta ay ku xiran tahay taargada Puntland waa 30 doolar oo ganaax ah, qofkii darawal ahna waa la xirayaa dadkana amarkaasi ha u hogaansamaan, waxaana taasi sababay inaan dul qaadanay muddo badan”ayuu yiri taliyaha.
Ma jirto sabab cad oo loo micneeyay sababta ka dambeysay amarkaasi kasoo baxay maamulka Galmudug, waxaana dadka la siiyay fursad hal maalin oo kaliya, sida taliyaha taraafikada uu sheegay maanta.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa jiray hadalo aan wanaagsaneyn oo labada maamul dhanka warbaahinta ay isku marinayeen, waxii ka dambeeyay markii Puntland ay ka hor timid dhismaha garoon gaar u ah Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

