Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano fara badan oo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu kula kulmay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay kaga diggeen in uu soo celiyo afartii xubnood, ee ay horey kaga biyo diideen in lagu soo daro Golaha Wasiirada.
Xildhibaanadu waxay Ra’iisal Wasaaraha u sheegeen haddii Xukuumadiisu ay dooneyso inay hesho codka Xildhibaanada Baarlamaanka, inay ka feejignaato Xuseen Cabdi Xalane, C/kariin Xuseen Guuleed, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo C/laahi Maxamed Cali ”Sanbaloolshe”.
Afartaasi xubnood, ayaa waxaa si dhow loola xiriiriyaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qaarkood lagu eedeeyaa inay ka masuul yihiin khilaafyadii u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo labadii Ra’iisal Wasaare ee Ina C/rashiid ka horeeyay.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa la soo sheegayaa in Xildhibaanadu uu ku qanciyay in xubnahaasi loo magacaabi doono Wasaarado kale, oo laga weecin doono Wasaaradihii loo soo magacaabo 12-kii bishaan, ayna codka kalsoonida siiyaan. Hase ahaatee haddii midkood xitaa lagu soo daro Golaha Wasiirada, ayay sheegeen inaanay si naba u siin doonin codkooda.
Dhanka kale, arrintaani waxay muujineysaa in weli ay muuqaneyso culeyskii Ra’iisal Wasaaraha uu kala kulmaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Ra’iisal Wasaaraha waxaa la rumeysan yahay in cadaadis kale uu ka heysto Madaxtooyada, taa oo ku khasbeyso in afartaasi xubnoodba ay iska dhex arkaan Liiska Magacyada ee Golaha Wasiirada.
Isniinta maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in labada Kudladood ee Baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, si ay u sameystaan dallad ay ku mideysan yihiin, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

