Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, gaaray Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi ka kooban labada Gole oo uu hogaaminaayo.
Ujeedka socdaalka Xassan Sheekh iyo Wafdigiisa ayaa ah inuu xal u raadiyo kala irdhoobida Xukuumada Somalia iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan oo aan wali isku fahmin dib ugu laabashada shirka Jowhar.
Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo dhinac ah iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa isku fahmi waayay kulamo qaatay muddo Seddex maalin ah, kadib markii Odayaasha ay la imaaden shuruudo ay mas’uuliyiintaasi gacanta ka taagteen.
Madaxweyne Xassan oo is fahan’waaga mas’uuliyiinta ka soctay Dowlada iyo Odayaasha Hiiraan ka duulaaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo sheegi karin natiijada kasoo bixi karto shirka ay wada qaadan doonaan Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Odayaasha Gobolka Hiiiraan oo horay u cadeeyay mowqifkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

