Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka wasaaradaasi C/salaan Hadliye lagu dhaganyahay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir Hadliye gudaha bishaani aan ku jirno ilaa Seddex jeer looga yeeray Xafiiska Madaxweynaha Somali Xassan Sheekh Maxamuud.
Hadliye ayaa la sheegayaa in dhexda uu kala baxay dhaqaale Bishii March ee sanadkaani laga soo qaaday Dowlada Imaaraadka Carabta taasi oo ku soctay Madaxweynaha Somalia.
Hadliye ayaa dhaqaalahaasi ka qaatay Shan meelood hal meel iyo bar, taasi oo uusan ogaal u laheyn Xassan Sheekh, balse wakhti danbe lagu soo baraarugay.
Madaxweyne Xassan ayaa ku jira xili maalmeedkiisa waxaana iminka inta badan usoo xaroonaaya dhaqaalihii uu uga bixi lahaa doorashada.
Dalka ayaa ku jira xiliga kala guurka waxaana xiligaani oo kale la musuqaa hantida Qaranka, iyadoo taasi ay sababto Khilaafyo ka dhex curta Madaxda dalka.
Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxaase suuragal ah in dhaqaalaha uu Hadliye dhexda kala baxay laga heshiiyo.
Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

