Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in la furo wareega labaad ee lagu diiwaan galinaayo Dumarka loo qadaameynaayo Dowlada Sacuudiga iyo shacbigeeda.
Madaxweyne Xassan ayaa amarkaasi faray Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada isaga oo ku wargaliyay in howsha diiwaan galinta aan laga weecin qaabka ay Madaxtooyada u dajisay.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka duuleysa amarkaasi ayaa bilowday diiwaan galinta dumarka u dhexeeya 15 ilaa 25 Jir, taasi oo ka dhigan in dalabkaasi uu yahay mid qorshooyin kale ay ku lamaanyihiin.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegtay in la diiwaangelin doono ilaa 2 kun oo shaqaale dumar ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in dawladdu heshiis la gashay dawladda Sucuudiga.
Madaxweyne Xassan ayaa dhagaha ka fureystay in Dumarka Soomaalida uusan ku fasahaadin dalkaasi ama uusan u adoomin Sacuudiyaanka, hayeeshee waxa uu aragti ka dhigtay in tiisa uu hirgalinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

