25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Hantidii qaranka Somalia oo la kala boobayo iyo dowladda Somalia oo soo saartay war yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa soo saartay Digniin ku aadan boob loo geysto Hantida Qaranka xiliga kala guurka ah, waxa ayna ka digtay in Wasiirada iyo shaqaalaha guud ay boobaan Hantida Dowlada ee kala daadsan.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in xiliyada kala guurka ay inta badan Madaxda ka faa’iideystaan isaga oo ka digay in la faragaliyo Hantida.

Waxa uu sheegay in mas’uul weliba hantida uu qaranka u haayo uusan uga faa’ideysan waqtiga kala guurka ee uu ku reebo cidda badaleysa maadaama ay yihiin xoolo Qaran.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay ayuu yiri “ Hantida Qaranka waa wax umadda Soomaaliyeed ka dhexeeyo mas’uul weliba in uu xil gaar ah iska saaro waaye, waxaan ka digeynaa in kala guurka looga faa’iideysto”

Haddalka Maxamed Cumar Carte, ayaa imaanaya xili inta badan Madaxda DFS ay xili dheer bilaaben Boob iyo Musuq hanti Qaran iyadoo aanu jirin cid kala xisaabtanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News