Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdi ka socda Baarlamaanka Kenya ayaa maanta booqasho ku gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay.
Wafdiga ayaa waxaa horkacayay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Difaaca Baarlamaanka Kenya, Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo laga soo doorto gobolka Waqooyi Bar Kenya ee Soomaalida ay degto.
Wafdigan ayaa booqday goobo ka mid ah magaalada, waxeyna la kulmeen mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia.
Xildhibaan Ilyaas Barre ayaa sheegay in meelo kala duwan ay booqdeen islamarkaana uu aad u jecelaystay amaanka ka jira Baydhabo oo uu sheegay inuu dhegaha ka maqli-jiray, balse uu maanta arkay.
Ilyaas Barre Shiil waxa uu intaa raaciyay in booqashadooda Baydhabo ay ahayd mid ku ekayd salaan, islamarkaana qodobada kale ee ay mas’uuliyiinta maamulka kala hadleen ay ka mid ahayd, haddii Qoxootiga ku jira Dhadhaab ee markii hore Baydhabbo ka Barakacay ay kusoo laaban karaan iyo in sidii ammaanka loo xoojin lahaa.
Ilyaas Barre, waxa uu dhanka kale sheegay in Wakhti hore ay booqdeen magaalada Muqdisho islamarkaana tana ay tahay midii labaad oo uu ku yimaado deegaannada Somalia.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA










