24.7 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Madaxtooyada Jubbaland oo meel laga fadhiisto laga la’ yahay & hal arrin oo loogu ururayo (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo si xooli ah uga socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Odayaasha matala beelaha dega deegaanada uu ka taliyo maamulka.

Shirarka socda ayaa intooda badan ka kala dhaca Madaxtooyada maamulka iyo Guriga nabadda ee magaalada Kismaayo.

Ujeedka ugu weyn ee shirarka socda ayaa ah mid looga tashanaayo Wasiirada cusub ee maamulka uu yeelan doono, waxa uuna madaxweynaha Jubbaland Odayaasha waxka weydiinayaa hadii ay dood ka qabaan Golaha wasiirada cusub.

Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale Odayaasha hor dhigaaya Liiska Wasiirada cusub, waxaana soo baxaaya in Beelaha qaar ay dhaliilo ka muujinayaan shaqsiyaadka u matalaaya Wasiirada.

Odayaasha qaar ee matalaaya Beelaha ayaa Axmed Madoobe ka dalbanaaya in Liiska cusub loogu soo daro Wasiiradii hore, islamarkaana laga saaro kuwa iminka ku jira Liiska Cusub ee aan la aqoon.

Geesta kale, Liiska cusub ee Golaha wasiirada ayaa u badan Wasiiradii hore ee iminka sida KMG ah shaqada usii wada, kuwaasi oo xiriir fog la leh Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News