26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xog: Ethiopia oo la wareegtay garoonka Cadado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi si buuxa loogu wareejiyay Ciidamo Ethiopian ah.

Ciidamada lagu wareejiyay Garoonka ayaa tirro ahaan gaaraya 70 kuwaasi oo la sheegay in wax ay ka bedeli doonaan amni darida ka taagan Garoonka.

Ciidamadaani oo hubeysan ayaa la soo warinayaa inay wataan 8 gaari nooca dagaalka ah kuwaasi oo fariisimo looga dhex sameeyay gudaha Garoonka.

Maamulka Galmudug kama uusan hadal ciidamada ethiopia ee la geeyay garoonka, balse warar aan la hubin ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay wadaan Saraakiil gorgortan Siyaasadeed kula jira maamulka Galmudug.

Ma cadda ujeedka rasmiga ah ay ciidamadaasi ula wareegen Garoonka magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News