Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in Xafiiskiisa uu goor dhow ku qaabilay Xildhibaano Taageersanaa R/W C/weli Sheekh Axmed kana soo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah
Madaxweynaha ayaa la Tilmaamayaa in Xildhibaanadaasi uu kala hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Mooshinada iyo Khilaafka kala dhexeeya R/W C/weli.
Waxa uu Xildhibaanada usoo bandhigay qodobo dhowr ah oo uu ka tabanaayo RW C/weli, isagoona intaa kadib ka codsaday inay Taageeraan Mooshinka looga soo horjeedo R/W C/weli, Sida laga soo xigtay mid kamid ah Xildhibaanada.
Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa in Xildhibaanada uu ka Codsaday inay garab kusiiyaan dhicitaanka Xukuumada C/weli, isagoona u ballan qaaday inuu gudoonsiin doono Abaalmarino, waa haddii ay kusoo biiraan garabkiisa islamarkaana soo afjaraan Siyaasadda R/W C/weli.
Xildhibaanada ayaa la Tilmaamayaa inay kor u dhaafayeen 47-Xildhibaano,inkastoo qaarkood la sheegay inay diiden inay garab u muujiyaan Madaxweynaha.
Warar hoose ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu Xildhibaanada ka codsaday kaliya inay ka aamusaan Mooshinka socda, islamarkaana ay nidaamka ilaaliyaan ayna ogolaadaan in isaga iyo C/weli ku kala baxaan Codka Baarlamaanka, waxa uuna ka dalbaday in ay joojiyaan buuqa iyo qaska ay kawadaan Xarunta Golaha Shacabka.
Dhanka kale, Kulanka labada dhinac ayaan wali laga soo saarin natiijo rasmi ah oo kasoo baxday, waxa uuna Madaxweynaha Somalia dadaal ugu jiraa sidii uu meesha uga saari lahaa R/Wasaaraha Somalia oo Khilaaf aad u xoogan uu soo kala dhax galay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho