Xassan Sheekh oo markii ugu horeysay ku dhawaaqay go’aan danta laga leeyahay ay dadku is weydiinayan

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu booqan doono dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in booqashooyinkaasi uu ula gol leeyahay sida uu ku dardar galin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in booqashadaasi uu ku ogaan doono sababaha keenay in dib u dhacyo uu ku imaado doorashooyinka waxa uuna carab dhabay in booqshooyinkiisa Caasimadaha Gobolada ay dhici doonto xiliga doorashada ka hor.

”Haa waan tagi doonaa caasimadaha maamul Gobolada dalka, waxa ay booqashadeydu noqon doontaa mid xal u ah doorashooyinka dalka”

”Caasimadahaasi waxaan u tagi doonaa si aanu dib u dhac u imaanin oo laga hortago sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada howlaha Doorashooyinka Somaliya, maalmaha soo socda ayaan tagi doonaa.”

Waxa uu sheegay in u diyaar garowga doorashada dalka aysan hadda imaan balse mar hore ay u guda galeen sida jawi degan ay ugu dhici laheyd doorashada.

”Haa waa sax dowladu xili hore ayay bilowday u diyaar garowga doorashada 2016-ka waxa aanu hadda rajeyneynaa inaan ka dhabeyno qabsoomida doorashada dalka”

Haddalka Xassan Sheekh ee ku aadan booqashada Caasimadaha Gobolada dalka ayaa imaaneysa iyadoo uu ku guda jiro xiliga ololihiisa, waxa uuna booqashooyinkaasi aheyd mid uu horay uga gaabiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com