Keating oo Xasan Sheekh u dabamaray magaalada Baydhabo (Maxaa cusub)

Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi uu tagay wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya

Micheal Keating ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wafdiga wakiilka oo xubno kale ay kamid ahaayeen ayaa loo galbiyay madaxtooyada maamulkaasi halkaasi oo kulamo ay ka socdaan.

Safarkiisa ayaa kusoo aadaya saacado uun kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud uu kasoo laabtay magaaldaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wakiilka uu magaalada Baydhabo uu u tagay arimo la xiriiro doorashada iyo kaalinta Qaramada midoobay ay ku yeelan doonto doorashada.

Magaalaa Baydhabo ayaa ahmiyad ugu fadhida musharixiinta Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa ka imaanaya xildhibaanada ugu badan ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com