AMISOM oo qoys Sideed ruux ka koobnaa madfac dhex dhigtay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen deegaano ku yaala Sh/Hoose.

Mid kamid ah madaafiicda ciidamada AMISOM ay tuureen ayaa ku dhacday deegaan ku dhow degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Madfacaasi ayaa haleelay guri ay ku sugnaayeen qoys la sheegay iney ka koobnaayeen sideed ruux kuwaasi oo guriga ku wada jiray.

Dadka deegaanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in lix kamid ah qoyskaasi ay goobta ku dhinteen halka labo kale ay dhaawac daran soo gaartay.

Masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Hoose ayaanan ka hadlin waxyeelada ciidamada AMISOM u geysteen dadka rayidka ah.

Qaar kamid ah dadka madfaca ku dhintay ayaa la sheegay iney caruur ahaayeen.

AMISOM ayaa marar badan waxay waxyeelo u geysatay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com