Xasan oo si caro leh uga hadlay arrin ay ka faafiyeen mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya inuu iibsanaayo Xildhibaanada cusub ee kamid noqonaaya Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan wax lug ah ku laheyn wararkaasi waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in dowladiisu ay ka feejigan tahay in Musharax gaar ah uu la tacaamulo Xildhibaanada imaan doona.

Xassan waxa uu tilmaamay inay adag tahay in wakhtiga la joogo uu xiriir hoosaad la sameeyo Xildhibaanada, sida ay baahisay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho.

Xassan Sheekh waxa uu ka digay in dhinacyo kale laga eego Siyaasadiisa, waxa uuna ku baaqay in Soomaalida ay ka hormarto waxa uu ugu yeeray warxumo tashiilka iyo kala gudbinta wararka aan sal iyo baarka ku laheyn xaqiiqda.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan weli ku fekerin inuu abuurto Xildhibaano cusub, balse waxa uu taasi bedelkeeda carab dhabay inay ka go’an tahay inuu la dagaalamo wax waliba oo carqalad ku noqonkara howlaha doorashada.

Xassan Sheekh waxa uu si cad isaga fogeeyay inuu heshiisyo la galaayo Xildhibaanada imaan doona, gaar ahaan waxa uu cod dheer ku sheegay inaysan jirin warka ah inuu gadanaayo Xildhibaanada cusub.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Musharaxiinta iyo Xubnaha Mucaaradka ah ay baahiyeen in Xassan Sheekh uu iibsanaayo Xildhibaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com