Feysal Waraabe Cali oo saadaaliyay waxa Somalia ka dhici doona xiliga Doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu walaac ka muujinaayo in dagaal sokeeye laga dhexlo doorashada Somalia.

Feysal waxa uu sheegay inay u muuqato in doorashada soo socta ay Soomaalida ku heshiin weyso, kadibna ay ku dhaqaaqan colaado sokeeye.

Feysal waxa uu ku baaqay in laga fiirsado howlaha ku xeeran doorashada waxa uuna carab dhabay in qaabka ay hadda wax u wado dowlada Somalia, ay tahay qaab aan wacneyn isla markaana soo dedejinkara colaado dhexmara xitaa Madaxda dowlada.

”Anigu iima muuqdan wanaag ee waxaa ii muuqda in xaalka uu yahay mid dagaal sokeeye wata waayo doorashadaani wey ka duwan tahay tii hore taasina waxa ay sababi kartaa colaad sokeeye”

”Waxaan aad uga walaacsanahay sida ay wax u socdaan sababtoo ah waxaan garanayaa kuwa haya talada dalka iyo damacooda soo laabashada”

Feysal waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu doonaayo in awood uu kusoo laabto, halka kuwa la loolamaayana ay doonayaan inay kursiga ka laalaan Xassan.

Dhinaca kale, Feysal Cali waxa uu ka digay in qaabab khaldan loo adeegsado danaha Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com