Sawirro: Dooni kusoo xiratay Boosaaso oo laga dhex helay hub farabadan

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay Hub sharci daro ah, taa oo laga soo dhex saaray dooni ganacsi oo ka timid dalka Yeman kuna soo xiratay dekadda magaalada Boosaaso.

Ciidamada oo howlgal ka dhex fuliyay Doonida ayaa waxa ay kasoo dhex saaren Hubka oo u badnaa Bastoolado iyo rasaas, waxaana ninkii lahaa Hubka ay ciidamada kusoo bandhigeen magaalada Boosaaso.

Hubka ayaa ciidamada ammaanku baaritaan ay doonta ku sameeyeen kasoo dhex saareen baafweyn oo ay ku jirtay xalwadda cad ee Yeman laga keeno.

Hubka la soo bandhigay ayaa ahaa lix bastooladood oo lagu soo dhex qariyey dooni ganacsi oo ka timid dalka Yemen.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in hubkan iyo rasaastoodaba laga keenay dalka Yemen, isla markaana lagu wareejiyey maxkamadda ciidamada qalabsida.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dary in shaqsi waday hubka oo lagu magacaabo Saalax lagu xukumay 20 sano oo xariga.
hub-1

hub-2

hub-3