Cumar Dhagey oo ka hadlay qodob muhiim ah oo ay la dhaceen Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey), ayaa shaaca ka qaaday in Guddiga uu sameeyay xubno heer caalami ah oo kormeeri doona howlaha doorashooyinka Somalia.

Dhegey waxa uu sheegay in Xubnahaani ay isugu jiri doonaan Soomaali iyo Ajaanib waxa uuna cadeeyay in qasdiga laga leeyahay ay tahay inay la socdaan dhammaan howlaha la xiriira doorashooyinka dalka.

Dhegey, ayaa hadalkaani ka sheegay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xili uu halkaasi kula hadlaayay qaar kamid ah dadyowga Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dhegey, waxa uu sheegay in arrintaani xubnaha heerka caalami ah ay ula gol leeyihiin sidii kalsooni ay ku qaadi lahaayen Musharaxiinta kale oo la loolameysa Madaxweynaha wakhtigiisa uu dhamaaday.

Dhegey, waxa uu tilmaamay inay ka guddi ahaan ay doonayaan in doorashada dalka aysan noqon mid dhinac u janjeerta sidaa darteedna waxa uu cod dheer ku sheegay inay doorashada ay noqon doonto mid xalaal ah.

Haddalka Dhegey, waxa uu imaanayaa iyadoo inta badan Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha wakhtigiisa uu dhammaaday ay qabaan tuhun ku aadan qaabka ay u dhici doonto doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com