Axmed Madoobe oo soo rogay amaro la xiriira aroosyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hor imaaday qaabka loo maro aroosyada ka dhaca deegaanada maamulka uu ka arimiyo.

Amar kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha maamulka ayaa waxaa lagu mamnuucay in dadka is guursanaaya ay is ticmaalaan gaadiidka raaxada oo dhowr xabo ah.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in xarig uu muteysan doono cidii arooskooda isdaba dhigta gaadiid farabadan, waxa uuna ku baaqay in la isticmaali karo keliya hal gaari ilaa laba gaari oo nooca raaxada ah.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in amarkiisa uu yahay mid si rasmi ah uga dhaqangali doona deegaanada maamulka waxa uuna amar ku bixiyay in xabsi la dhigo cidii arooskooda ku galbisa Gaadiid ka badan labo.

Madoobe waxa uu ciidamada ku amray inay xiraan arooskii lagu galbinaayo gaadiid kabadan labo waxa uuna sheegay in cidii amarkiisa jabisaa ay muteysan doonto ciqaab.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale qalad ku tilmaamay in aroosyada la galbiyo xiliga salaada Maqrib lagu jiro, waxa uu uga digay lamanayaasha is guursanaya in ay babuur badan arooskooda u isticmaalan.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya mid lagu cadaadinaayo dadka is calmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com