Xasan oo goordhow gaaray Jowhar + Ujeedka ugu weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay gaaren Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwa dowlada ee magaaladaasi Jowhar uga sii horeeyay.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo iminka si KMG ah uga howlgalaaya magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula qaadan doono Maamulka Gobolka, Ergada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaasi oo uu ka dhageysan doono waxa ay qabteen maalmihii ay halkaasi ku sugnaayen.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in halkaasi uu uga qeybgali doono Barnaamij lagu soo bandhigaayo Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo gaaraya ilaa 71 Mudane.

Dhinaca kale, waxaa la adkeeyay amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana la xanibay dhammaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com