Xasan : Ciddii dhahdaa gudiyada doorashooyinka ayaa siyaasada ku lug leh been ayuu sheegay”

Muqdisho (Caasimda Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wararka sheegaya in guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada ay xiriir dhow la leeyihiin Siyaasada ka socta Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay inaanu jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Madaxtooyada iyo guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada waxa uuna cadeeyay in Guddiga uusan wax xiriir ah la laheyn Siyaasada Somalia, balse xubnaha Guddiga ay yihiin kuwo ka madaxbanaan Siyaasada.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada aanay wax shaqo ah ku lahayn siyaasadda, waxa uuna sheegay in guddiyadaasi si hufan u gudan doonaan howlahooda shaqo.

”Waxaan cadeynayaa in guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada aysan wax xiriir ah la laheyn siyaasada gaarka ah, keliya waxa ay shaqooyinkoodu tahay inay xal u raadiyaan Umadaani iyadoo aan leysku khilaafin siyaasada dalka”

”Waxa la dhisayo oo la isku keenayo waa kii dhexe oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeyay, qof walbo hoggaanka ugu fiican, xildhibaanka ugu fiican, ugu dal iyo dad jecel in lasoo doorto ayaan rabnaa, qof qof lahaan karo ma jirto, xildhibaan koox lahaan karto ma jirto, baarlamaanka aan soo dooraneeyno waa kii Federaalka ahaa oo dalka oo dhan ka dhaxeeyay”

”Aan soo xulanno dad fiican una soo xulanno si nadiif ah oo yaanan gelin kala shaki, aad ayaana ugu kalsoonahay in sidaasi wax u dhici doonaan, dowladda Federaalka diyaar ayeey u tahay in wax walbo u dhacaan sida ugu muhiimsan”

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay ku qasban yihiin inay u hogaansamaan Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada, waxa uuna sheegay in ujeedka loo aasaasay ay tahay inay dhextaal u noqdaan kan musharaxa ah iyo kan wax dooran doono, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu amaanay qaabka ay u howlgali doonaan guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikaraan wax isdabamarin ah.

Dhinaca kale, Madaxaweyne Xassan waxa uu ku baaqay inaan la khilaafin tallooyinka ay keeni doonaan guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com