Gulen oo fariin jees jees ah u diray Erdogan kadib markii Turkiga uu..

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dowlada Turkiga dhowr jeer ay Mareykanka ka dalbatay inay usoo gacan galiso wadaadka hantiilaha ah ee ka danbeeyay afganbigii fashilmay ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Afganbiye Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen, ayaa sheegay inuu isha ku hayo wadahadalada u socda dowlada Turkiga iyo Mareykanka, balse waxa uu sheegay inuu la socdo halka uu noqon doono biya dhaca wadahadalkaasi.

Fethullah Gulen, waxa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo dowlada Mareykanka maadaama dalka uu ku noolyahay uu yahay mid ay ka jirto dimuquraadiyad.

Fethullah Gulen, waxa uu sheegay in dowlada Turkiga aysan heynin cadeymo sax ah markii laga soo tago tuhunka ku aadan Afganbiga.

Fethullah Gulen, waxa uu cadeeyay in mudada uu ku noolyahay dalka Mareykanka aysan waxba ka qaadi doonin dowlada Turkiga waxa uuna carab dhabay in sharci ahaan dowlada Mareykanka aysan lamid aheyn Turkiga oo qaabab khaldan u xukmineysa dadka tuhmanayaasha ah.
Fethullah Gulen, waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Turkiga uu ka dalbanaayo inay la imaado cadeymo ku aadan Tuhunka.

Hadalka Gulen ayaa imaanaya iyadoo Wasaaradda caddaaladda Turkish ay si rasmi ah dowlada Mareykanka uga dalbatay inay kusoo wareejiyaan wadaadka hantiilaha ah Fethullah Gulen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com