Xasan oo sifo aad u fool-xun ku tilmaamay Musharaxiinta kasoo horjeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay go’aanada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta dalka.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ay ku haboon yihiin inaysan ka hadal Siyaasada dalka oo ay isaga aamusaan.

Qoraal lagu daabacay idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka uu aad uga carooday hanaanka Siyaasadeed oo ay adeegsanayaan Siyaasiyiinta waxa uuna Xassan Siyaasiyiintaasi ku sifeeyay inay yihiin kuwo cadow ku ah dalka, sida qoraalka lagu baahiyay.

Xassan waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta looga baahan yahay kaliya inay ka hadlaan wanaaga dowladda isagoo qaladaadka in laga hadlo ku sheegay u adeegida danaha Cadowga umadda Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in kuwa la loolamaaya ay Siyaasada ka fahmeen inay cayaan Siyaasada lagu hagaayo dalka, waxa uuna sidaa darteed uu ku dhaleeceeyay qaabka ay u adeegsanayaan Siyaasada.

Xassan Sheekh waxa uu cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan ku qanacsaneyn sida ay u dhaqmayaan Siyaasiyiinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in khaladaadkooda uu yahay mid ku xeeran Aflagaada ay ku kacayaan.

Sidoo kale, Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ku dhaleeceeyay Siyaasiyiinta daneyneysa in dalka ay hoggaamiyaan in ay Siyaasaddii ka gashay in dowladda ay ceebeeyaan.

Dhinaca kale, Xassan Sheekh ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay buunbuuniyaan horumarada ay gaartay dowlada Somalia.

Caasimada Online
XafiiskaMuqdisho
Caasimada@live.com