Xog: Dagaal dhex maray ciidanka Xasan iyo taliye goostay + Beesha Harti-Abgaal oo hubka qaadatay una hanjabtay shirka Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heshay sababta uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud uga baaqday socdaal uu shalay ku tagi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu maanta tagay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo taliye ka tirsan milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Saneey Cabdulle Gaab, oo kasoo jeeda beesha Obakar ee Harti Abgaal..

13-kii bishan ayaa madaxweynaha waxa uu amray in lasoo xiro taliye Saneey Cabdulle Gaab, taasi oo dhalisay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamo uu taliyaha wato iyo kuwii uu Xasan daray, halkaais oo ay ku dhinteen ku dhowaad toban askari.

Dagaalkan oo ka dhacay degmada Boondheere ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay weriye Cabdicasiiis Afrika, oo shalay warbaahinta u sheegay in taliye Saneey Cabdulle uu ka damabeeyey dhaawaca soo gaaray.

Warbaahinta dowladda ayaa faafisay war ah in dagaalka labada ciidan uu u dhacay si qalad iyo kala shaki ah, balse xaqiiqda waa ka duwan tahay taas, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saneey oo ka adkaaday ciidankii uu Xasan Sheekh diray, ayaa la goostay toddobo gaari oo kuwa milatariga ah iyo ciidan badan, isaga oo la aaday dhinaca deexda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Saneey ay kadib ku biireen ciidan kale oo xoggan oo kasoo jeeda beelaha Warsan-Geli iyo Agoonyar, wuxuuna ku hanjabay inuu weerarayo shirka Jowhar iyo Xasan Sheekh, haddii madaxweynaha uu halkaasi tago.

Arrintan ayaa sida la sheegay cabsi ku abuurtay madaxweynaha, wuxuuna baajiyey socdaalkiisa Jowhar, si ciidamo dheeri ah halkaasi loogu diray, si aada ahna loogu sugo ammaanka, wuxuuna ugu dambeyn tagay Jowhar maanta, markii loo xaqiijiyey in si wanaagsan ammaanka gacanta loogu hayo.

Xasan ayaa sidoo kale odayaal u diray taliye Saneey iyo beeshiisa isaga oo ka codsaday inay la haldaan, una ballan qaaday inaan la xiri doonin.

Taliye Saneey illaa hadda wax ficil ah ma qaadan, lamana oga halka arrintan ku dambeyn doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com