Daawo Sawirada Sida uu Xassan Sheekh u furay shirka Magaalada Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ka furay shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Madaxweyne Xassan waxa uu Hoolka shirka ka sheegay inay doonayaan maamul la mid ah maamulada kale ee dalka waxa uuna tilmaamay in ujeedka dowlada uu yahay sidii ay isku filnaan u muujin lahaayen dadka kasoo kala jeeda labada Gobol.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in aan wax fara gelin ah lagu sameyn doonin Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in duubabka looga baahan yahya inay la imaadaan wax muuqda.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay in ay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wax kasta oo la bilaabayo ay dhibaato badan leeyihiin, hase ahaatee loo baahan yahay dulqaad, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamulada hadda jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD in ay madax banaani siin doonaan Ergooyinka iyo Waxgaradka soo dhisaya Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
jowhar-1

jowhar-2

jowhar-3

jowhar-4

jowhar-6

jowhar-7

jowhar-8

jowhar-5