Caqabad cusub: Mid ka mid ah shanta beel ee 4.5 oo diiday doorashada Soomaaliya 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya ayaa si cad kaga soo horjeestay saami qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka.

War Qoraal ah oo kasoo baxay kulan waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa waxay ku sheegeen iney kasoo horjeedaan saami qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankii madasha ee 12 kii April aysan jirin cid u mataleysay oo ka qeyb gashay, kaasi oo lagu go’aamiyay  xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

warqwarqad11