Sawirro: Afey oo shir ku dhex qabtay Safaarada Somalia ee Nairobi (Muxuu ka hadlay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Arrimaha Somalia, Maxamed Cabdi Afey ayaa shir Jaraa’id ku qabtay Safaarada Somalia magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Shirkaani oo ay goobjoog ka ahaayen Saxaafada iyo maamulka Safaarada ayaa waxa uu Afey uga hadlay sida guusha leh ee uu qabsoomay shir madaxeedkii 28aad ee IGAD ee talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afey waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid baal cusub u furay Umadda Soomaaliyeed waxa uuna cadeeyay inuu ahaa mid horumar u jiheeyay dalka Somalia.

Afey waxa uu sheegay in guul weyn ay usoo hoyatay Somalia, waxa uuna tilmaamay in Madaxdii kasoo qeybgashay shirka IGAD ay dhaayahooda ku arkeen horumarada ay ku talaabeyso Somalia.

Waxa uu sheegay in caalamku uu isha ku hayay shirka IGAD ee ka dhacay magaalada Muqdisho, balse waxa uu cadeeyay in shirkaasi laga gaaray dantii laga lahaa oo aheyd in caalamka la tuso in Somalia ay u bisishahay inay wax la qeybsato dowladaha dhigeeda ah dhowr iyo labaatan sanno kadib.

Afey waxa uu sidoo kale sheegay in ammaanka caasimada Somalia uu yahay mid wanaagsan iminka isla markaana falal amni darro un ay ka dhacaan mar mar dhif ah taasina ay ula siman tahay caasimadaha daafaha caalmka oo idil oo ayaga oo dhan ay ka dhacaan, sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay bislaaden isla markaana ay iminka cagta dhigeen dhabihii horumarka, waxa uuna carab dhabay in Soomaalida kale ee ku dhaqan Gobolada iyo dalka dibadiisa ay iyaguna qeyb ka yihiin kuwa hogaanka u haya Horumarada ka socda dalka.

Afey waxa uu soo hadal qaaday in magaalada Muqdisho ay ka dhici jireen shirar kala duwan kuwaasi oo lagu qaban jiray Garoonka iyo Xalane balse iminka uu shirkaani ka duwanaa isla markaana lagu qabtay bartamaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteel Peace taas oo tusaale u tahay in nabadi ka jirto daafaha Muqdisho oo dhan.

Afey waxa uu soo hadal qaaday doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka qabsoomaan Somalia, waxa uuna cadeeyay in IGAD iyo Dowladaha kale ee garabtaagan Somalia ay iska kaashan doonaan sida Somalia ay uga dhici laheyd doorasho taariikhi ah isla markaana xalaal ah.

Dhinaca kale, Afey waxa uu rajo ka muujiyay qabsoomida doorashada xiligeeda, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin wax isdaba marin.
afey-1

afey-2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com